bukaan eegto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukaan eegto
-eegtada: (n) clinic (kilinik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaansocoto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bukaansocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaannimo
m.dh Bukaan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) in badan xanuunsanaan oo bukaanjiif noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegto
m.dh la-mid: sarmaseegto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Surmaseegto
Inconsistent equations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) wax la goynayay oo la rabay in nabarradu ku egaadaan barta goynta oo la la gegefo ama waawaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufnaan u-eegan
m.l (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufnaan u-eegan
m.l (-nayaal, m.l/dh) (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufnaan u-eegan
Density, Relative